Apply For Assistance - Guidelines

Waxyaalahan soo socda waxaa loogu talagalay oo keliya tusaale keliya. Haddii aadan hubin inaad u qalanto caawimaad aad ka hesho SWB fadlan iimeyl u soo dir contact@sportswithoutborders.org 

Yaa xaq u leh inuu soo dalbado? 

Si loo caawiyo dhalinyarada dhaqan iyo af ahaanba kala duwan ee leh asalo qaxootinimo iyo bani’aadanimo.

SWB waxay caawineysaa labadaba shakhsiyaadka  iyo ururada/bulshada/cayaaraha ee ku saleysan Victoria, Australia. Waxaa jira foomam codsi oo kala duwan oo lagala soo bixi karo website kan.

Wakhtiyada ugu danbeeya codsiyada 

Codsiyada maalgelintu waxay xirmayaan taariikhaha soo socda:  

  • Wareega 1 – 28-ka Feberaayo 2009 
  • Wareega 2 – 30-ka Abriil 2009 
  • Wareega 3 – 30-ka Juun 2009  
  • Wareega 4 – 29-ka ogoosto 2009  
  • Wareega 5 – 31-ka Oktoobar 2009 
  • Wareega 6 – 31-ka Diiseembar 2009 

Meeshii suurtogal ah fadlan ugu soo dir codsiga/yada:

Ms. Dolores Singh
Sports Without Borders Foundation
PO Box 538
Carlton South Vic 3053

Maxaa la maalgelin karaa?

Waxaan siinaa maalgelin nashaad iyo waxyaalo kala duwan. Liiskan soo socda waa in loo isticmaalaa hagid keliya. Haddii aad uga baahan tahay caawimaad wuxuun aan ku jirin liiskan, noola soo xiriir si toos ah ka dibna waxaan kaala talin karnaa waxa codsigaagu ku haboon yahay,

  1. Alaabta  ciyaaraha sida qalabka iyo dharka Sporting goods such as equipment and uniforms 
  2. Bixinta lacagta xubinnimada Naadiyada Cayaaraha 
  3. Kharashaadka safarka 
  4. Caawimaad dhaqaale ee ka qayb galka barnaamijyada/hoosooyinka cayaaraha, tababarka, waxbarashada iyo aqoonsiinta naadiyada iskaa wax u qabsada ku shaqeeya 
  5. Cunto u dalbida dhacdooyinka cayaaraha bulshada ee loogu talagalay jaaliyadaha qaxootiga ah iyo bani’aadanimo

Nidaamka Codsiga

  1. Codsiyada waxaa loo sameeyaa. 
  2. Guddiga Agaasimayaasha ayaa sameeya go’aanka codsi kasta oo guuleysta 
  3. ogeysiin ayaa loo diraa labadaba arjiilayaasha guuleystay iyo kuwa aan guuleysanba 
  4. arjiilayaasha guuleystay waa inay soo diraan qaansheegad (oo leh Lambarada ABN) 5 maalmood oo shaqo ogeysiinteed, haddii aad ku guul dareysato waxaa laga yaabaa iney keento lacag bixinta oo dib u dhacda 
  5. aansheegatada ayaa laga shaqeeyaa lacagtana waxaa la bixiyaa bisha ku xigta  

Tallooyinka ay fiican tahay inaad heysato

Arjiilayaashu waa inay ku daraan faahfaahinta xiriirka naadiga tusaale cinwaan iyo qofka/dadka xiriirka faahfaahintooda, codsigooda maadaama lacag bixintu loogu sameyn doono si toos ah ururada/naadiyada.

Yaan la xiriiraa haddii aanan hubin?

La xiriir Sarkaalka Mashruucar, Ms Dolores Singh iimeylka ah dolores.singh@sportswithoutborders.org

 

Individual Application Organisation Application